Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: ismaandhaaf
daaqi Nooc shabaagta ka mid ah oo lagu dabo libaaxbadeedka yaryar.
daaqid eeg daaq². ld daaq¹ (2).
daaqo ld daaqad (2).
daaqsad ld daaqsasho.
daaqsasho eeg daaqso. ld daaqsad.
daaqsii ld daaji.
daaqsiin ld daajin.
daaqsiis ld daajin.
daaqsin 1. Daaq. 2. Fogaanta u dhexeysa guriga iyo meesha ay xooluhu daaqa ugu tagaan.
daaqso Meel daaq u leh xoolo u daaq gaysasho.
daaqtag (1) 1. Foogaanta u dhexeysa xerada xoolaha iyo meesaha ay daaqa u aadaan. 2. D. ah: xoolo meel daaq leh u socda.
daaqtag (2) Xoolo meel ay daaq ka helayaan aadid.
daaqtegid eeg daaqtag².
daar Guri, shub, dhagax, jaajuur iwm ka samaysan; sar.
daar (1) 1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran.
daar (2) 1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iwm). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd.
daarad 1. Qolka fadhiga ee guriga. 2. Barxadda guriga hortiisa ku taal.
daaran (1) 1. Wax la shiday noqosho (dab); wax la ifay noqosho (nal, feynuus iwm). 2. Wax hadlay ama muuqday noqosho (raadiyo, telefishan iwm).
daaran (2) 1. Wax la shiday ahaansho (dab); wax la ifay ahaansho (nal, feynuus iwm). 2. Wax hadlay ama muuqday ahaansho (raadiyo, telefishan iwm).
daarasho eeg daaro.
daardaar (1) ld daardaarid.
daardaar (2) 1. Dab, nal, dhawr jeer oo isu dhowdhow daarid. 2. Maagid; juqjuqayn; daandaansi.
daardaarasho eeg daardaaro.
daardaarid eeg daardaar². ld daardaar¹.
daardaaro Cid gardarro kula kicid.
daardhuuq Dheef ama waxtar kale oo yar oon la ogeyn oo qof haysta.
daari Xiddig xiddigaha ka mid ah.
daarid eeg daar². ld daaris.
daaris ld daarid.
daarmid eeg daaran¹.
<< < 281 282 283 284 285 286 287 288 289 290 291 > >>

 

Exit mobile version