daaqo
(m.dh)

ld daaqad (2).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daaqo

yicibciye [m.l]
Nooc ka mid ah dhirta faalasha oo geelu aad u daaqo.

bacaroor [m.dh]
Geed nagaar leh buruq sun ah iyo caleemo balballaaran oo geelu daaqo; balalo.

cawtalgasiir [m.l]
Geed la aamminsan yahay inuu awrka qooqani daaqo.

ceshiimee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -meysay)
1. Hanti la dhacay ama baadi ah ciddii lahayd u celin. 2. Safar bixiddiisa dib u dhigid. 3. Dhul in la daaqo, in mudda ah u diidid. ld ceshiinee, cishiinee.

ciin [m.l]
Geed cagaaran, cufan, caleen iyo qodax toona lahayn, laamo dhuudhuuban oo dhacaan cad leh oo geelu ku sumoobo hadduu daaqo.

daaqad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dariishad; khalfad. 2. ld daaqo. Duub maro ah, cusub oo dhowr go'loo qaybin karo.

dabasacle [m.l]
Nooc cawska ka mid ah oo geelu uu daaqo oo leh fiid cad oo wax mudi karta.

dheeraar [m.l]
Xarig dheer oo xoolaha lagu xiro si uu u daaqo una fogaan.

dheeraari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Neef xoolo ah xirid si uu u daaqo, una fogaan.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg