Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
qandal  1. Geed dhirta dhaadheer ka mid ah oo bixiya laamo toostoosan oo lagu dhisto guryaha, lehna asal hargaha lagu magdiyo. 2. Qabal maqaar ka samaysan oo gaboobay.
qandaraas  Heshiis hawleed laba dhinac dhex mara.
qandhada deng  (daaw.) Cudur la isqaadsiyo oo fiirus keeno waxaana qaada jeermiga kaneecada la yiraadhdo “aedes aegypty”. Astaamo: xubno xanuun, qandho, madax xanuun, muruqyo xanuun, ilmayn, cuno xanuun, finan cuncun leh oo oogada ka soo baxa. Astaamahaasu waxay jiraan muddo ayaamo ah.
qandhaggalti  Xanuun xummad leh oo ku dhaca qof yimaada meel uusan hore u joogi jirin.
qandhar  Q. ah: qof madax adayg oo waxa uu damco aan laga qancin karin.
qandhasho  eeg qandho². ld qandhood.
qandhee  Qandho kicin. ld qandhi.
qandheyn  eeg qandhee. ld qandhin.
qandheysan  Nafley ay qandho hayso ahaansho.
qandheysnaan  eeg qandheysan. ld qandheysnaansho.
qandheysnaansho  ld qandheysnaan.
qandhi  ld qandhee.
qandhicil  Ugxaanta yaryar oo cadcad oo ay injirtu dhasho.
qandhin  ld qandheyn.
qandhiso  Booddo.
qandho1  1. Xummad. 2. Jirro. 3. Duumo. qandho2  (daaw.) Kulka jirka oo ka saramara kulka caadiga ah ee jirka: haddii afka laga cabbiro waxa weeye: 98,6° F oo u dhiganta 37° C. Haddii futada laga cabbirana waxa weeye = 99° F oo dhiganta = 37° C. qandho3  Cid jirro ku dhicid. ld qandhoo. qandho-baaratifo  (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada salmonella baaratiifay: (A, B, iyo C). Baktiiriyada waxay ku badantahay saxarada bukaannada cudurkaas qaba iyo kuwa cudur sidayaasha ah oo aan bukin - wuxuuna cudurkaasu dillaaca markii nadaafad xuma u badato ama si aan fayodhowr lahayn oo cunno loo aqoolo. Kalhuuriska oo ah 1-10 maalmood, ka dib astaamo ay ka mid yihiin; shuban, qandho ladifan iyo firiiric ka soo baxa laabta, ayaa bilowda waxayna socdaan muddo toddobaad ah.
qandho-tifow  (daaw.) Cudur la isqaadsiyo oo ku dhaca xubnaha qaybta dheefshiidka, waxaana keena baktiiriyada “salmonella typhi”. Astaamo: itaaldarro, qandho badan, finan ka soo baxa laabta iyo jirka ka hooseeya, qarqaryo, dhidid iyo halaamacood lafaha iyo beeryarada (xaaladaha daran) dhiigbax ka yimid xiidmaha oo dalooshama, iskudaran. Waxaa laga qaadaa cunno ama biyo uu gaaray saxaro qof qaba cudurka ama qof sida jeermigiisa oo aan bukin (carriers).
qandhoo  ld qandho².
qandhood  eeg qandhoo. ld qandhasho.
qandhuufad  ld qandhuufasho.
qandhuufasho  eeg qandhuufo². ld qandhuufad, qanjaruufad, qanjaruufasho.
qandhuufo1  Far iyo suul ciddiyahooda oo xoog meel qof jirkiisa ka mid ah loogu qabto si loo xanuujiyo. ld qanjaruufo¹. qandhuufo2  1. Far iyo suul ciddiyahooda cid ku xanuujin. 2. Cid hoos ugu baaqid. ld qanjaruufo². qandhuur  Siil.
qandi  Kolay yar oo wax lagu gurto.
qandici  Wax in yar kululayn.
qandicid  eeg qandac².
page : 30 of 86
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>

 

Exit mobile version