dabraacid eeg dabraac³. ld dabraac¹ (2).
dabradduul Duullaan rogaalcelis ah oo cid dhowaan la dhacay lagu sameeyo.
dabramid eeg dabran.
dabran (1) Wax dabar ku xirmay noqosho (nafley).
dabran (2) Wax la dabray ahaansho (nafley).
dabranaan eeg dabran². ld dabra- naansho.
dabranaansho eeg dabranow. ld dabranaan.
dabranow Wax si joogto ah u dabran noqosho.
dabrasho eeg dabro².
dabrayn eeg dabree.
dabree Ku d.: cid hore loogu duulay ku rogaal celin.
dabrid (1) Tababbar ciidamada la siiyo oo lagu baro habka xabbado rididda. ld debrid.
dabrid (2) eeg dabar².
dabrin Qoobka iyo kubka meesha ay iska galaan; dhaad.
dabro (1) 1. Geed nagaar dhulka ku faalada, laamo dhuudhuuban oo jilicsan leh, xooluhu daaqaan oo dooxooyinka ka baxa. 2. (-ooyin, m.l) Weerar rogaal celis ah.
dabro (2) Awr iwm dabar ku xirasho.
dabsaar 1. Sabuulka isagoo aan bislaan oo weli curdan ah beerta laga gooyo, ka dibna inta god lagu guro la dubo. 2. Weel kasta oo dab la saaro.
dabshid Dabbaaldeg lagu maamuuso dhammaadka sanad qorraxeedka soomaaliyeed oo ku aaddan toddobaadka u dambeeya bisha Luulyo, laguna xuso ciyaaro kala duwan iyo dab la shido.
dabsii Ilmo xoolaad, yar, aan hooyo lahayn, neef kale nuujin.
dabsiin eeg dabsii.
dabsoon (daaw.) Daawo loo isticmaali jiray daweynta baraska ama juudaanka.
dabtuur 1. ld dabshid. 2. Cayaar carruurtu cayaarto. 3. ld dabrid.
dabuub 1. ld dabeeb. 2. Meel hoobad ah.
dabuubad ld dabuubasho.
dabuubasho eeg dabuubo. ld dabuubad.
dabuubo 1. ld dabeebo. 2. Meel hoobad ah ka daaddigid.
dabuuq D. ah: xarig dun laga sameeyo oo fardaha lagu jareeyo.
dabweyn 1. Hub culus oo lagu dagaalamo. 2. Col hub culus ku dagaalama. ld debweyn.
dabxid ld daabaxid.
dabyar ld danyar¹.
<< < 294 295 296 297 298 299 300 301 302 303 304 > >>