sannif2 1. Wax hor leh hindisid. 2. Dhaawac aan haragga dhaafsanayn cid gaarsiin. 3. Cid sabab la'aan ugu xanaaqid. sannifaad 1. Curinta wax la curiyo. 2. Xanaaqidda sabab la'aan wax loo xa-naaqo. 3. Dhaawac yar oo xabbad, waran, iwm jirka nafleyda gaarsiiyaan. 4. ld sannif¹.
sannifan Wax la sannifay ahaansho.
sannifasho eeg sannifo.
sannifid eeg sannif².
sannifnaan eeg sannifan. ld sannif-naansho.
sannifnansho ld sannifnaan.
sannifo Wax hor leh hindisasho.
sano ld sannad.
sanoobir Geed abaareed aad u dheeraada oo qurux iyo waxtarba isku darsaday oo leh, caleemo dhuudhuuban, cutub-cutub isugu xiran oo cirbad la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtumo yaryar iyo toxob ku leh oo alwaaxdiisa waxyaalo badan laga sameeyo.
sanqar1 Jabaqda ka dhalata laba shay oo isku dhacday. ld shanqar¹, sharqan¹, sharqar¹. sanqar2 Sanqar samayn. ld shanqar², sharqan². sanqari Ka s.: wax sanqar ka yeersiin. ld shanqari, sharqami.
sanqarid eeg sanqar². ld shanqarid, sharqamid.
sanqarin eeg sanqari. ld shanqarin, sharqamin.
sanqaroor Sanka ushiisa kore.
sanqaroormadow S. ah: miro yicibeed oo gahayr ah oo aan weli qallalin.
sanqartirad ld shanqartirasho.
sanqartirasho ld shanqartirasho.
sanqartiro ld shanqartiro.
sanqasho eeg sanqo².
sanqatab Goodir lab.
sanqo1 Daloolka ay isaga furanyihiin sanka iyo afka oo codku ka soo baxo. sanqo2 U s.: iyadoo la dhaqaajinayo muruqyada wejiga iyo sanka cid u baaqid. sanqoole Qof daloolada sanqada iin ku leh oo aan coodkiisu bayaan ahayn.
sansaan Baxaalli.
sanso Gufar ku dhega weel burcad laga shiilay salkiis.
santaag1 Kibir iyo isla weyn. santaag2 1. Kibir iyo islaweyni muujin. 2. Ka s.: wax nicid. santaagid eeg santaag².
page : 31 of 118
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>