xawil Lacag iwm meeshay yiilleen maahee meel kale u beddelid.
xawilad ld xawilid.
xawilid eeg xawil. ld xawilad.
xawlalmariid ld xawlmariid.
xawlli Dheeraynta wax ordaya.
xawlmariid Xididdo waaweyn oo surka ku yaal midkood coobe. ld xawlalmariid.
xawo1 Biyaha laboodka; mino; shahwo. xawo2 (c.nafl.) Unug taran qaangaadh ah oo socda, oo ay leeyihiin xayawaanka labka ah, oo ay soo daayaan xiniinyuhu. xawr Dhenged yar oo dhuuban.
xawri Cid ul yar la dhicid; dhengedee.
xawrin eeg xawri.
xay 1. Ubaxa kiisa aan qaabka caleemaha lahayne u baxa sida bul ama cuntub ama xirmo yar oo dun ah. 2. Midabkiisu, sida xayga qaarkii, cadyahay.
xayaab (bot.) Dhir kulaalay geedaha waaweyn saarata ama kuboodda oo caan ku ah kaymaalayda badhaalaha.
xayaabo Lakab qira yar oo fuula hooreyaasha, badanaa dabayshu xarfiso.
xayaad1 Nooc ka mid ah ciyaaraha saarka oo leh jiib, jaan iyo sacab, waxaana cayaar ammaanta diinta Islaamka ku dhisan oo ay dheelaan beeraleyda reer Dhoobey iyo Ugaarsatadaba. Dheeshaa sida Booranaha waxaa lagu daaweeyaa cudurro. xayaad2 Nafley raaxay-sasho. xayaadid eeg xayaad².
xayawaan 1. Naflay. 2. Sankuneefle. 3. Duunyo; xoolo. ld xawayaan.
xayawaan-caabud (taar.) Diimaha qaddiimka ah qaarkood waxay amminsanaa-yeen in shay kasta sida geedaha, dabaysha, dhagaxa, xiddigaha, iwm ay leeyihiin af ama ruux ayna ka sareeyaan bani aadamka.
xayawaannimo Xayawaan ahaansho.
xayaysasho eeg xayayso.
xayaysii Badeeco iwm iidheh u samayn.
xayaysiin eeg xayaysii.
xayaysiis Ogeysiis loo baahiyo dadweynaha aydoo loo ammaanayo badeeco iwm.
xayayso Ubaxbixin; fiidid.
xaybooro Summad geela lagu dhigo oo leh qaab (U) hoos u jeedda oo lagu dhigo garabka.
xayd Maro iwm kor u qaadid.
xaydaamasho eeg xaydamo.
xaydaamid eeg xaydaan.
xaydaamo Wax xaydaan u samaysasho.
page : 31 of 60
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>