dallal (2) Cid ku jeesjeesid.
dallalid eeg dallal².
dallayn eeg dallee.
dallaysasho eeg dallayso.
dallayso Qof, wax uusan lahayn xalaalaysasho.
dallee 1. Aqal meel naacawi ka soo gasho u yeelid. 2. Cid hoosaasin.
dalleen Dandarranaan; dhibaataysnaan.
dalleensan Qof, wax dalleen hayo ahaansho.
dalleensanaan eeg dalleensan. ld dalleensanaansho.
dalleensanaansho ld dalleensanaan.
dallici Kor u qaadid; darajo u kordhin.
dallicid eeg dallac². ld dallac¹ (2).
dallicin eeg dallici.
dalluug (dalluug, m.dh) Geed abaareed, gaaban, cufan oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar; hayn.
dalluun God hoos u dheer oo dhuuban.
dalmar Nin dalal badan tegay. ld dalmareen.
dalmarid Tegidda dalal badan socdaal lagu tago.
dalmid eeg dalan.
dalool (1) 1. Meel yar furan, wareegsan oo wax ka bannaan. 2. Saddex qaybood oo wax loo qaybshay middood. ld duleel¹.
dalool (2) (baay.) Dalool ku dhex yaallo saytobalaasanka unug noolkaas oo ay ka buuxaan hawo, biyo, dareerayaal kale, dheecaan ama saxarro cunto ah. Unugyada dhirta, had iyo jeer waxay leeyihiin dalool weyn oo keliya, laakiin unugyada xayawaanku inta badan waxay leeyihi in dhowr dalool oo yaryar.
dalool (3) Meel yar, furan, wareegsan, bannaan yeelasho (wax). ld duleel².
dalooli Wax dalool u yeelid. ld duleeli.
daloolid eeg dalool³. ld duleelid.
daloolin eeg dalooli. ld duleelin.
daloolin cad-hunguri (daaw.) Hawl qalliimeed ee lagu sameeyo dalool hungurigacad luqunta dhexdeeda si neefta loogu furo qof ay ka xirantay sida qofka qaba: gawracatada, ama shey: (badhan, lacag iniin iwm) oo gudaha ku dhacay oo neefta xira.
dalooliye Bir af dhuuban oo girgirro leh oo alwaaxda, birta iwm lagu dalooliyo. ld duleeliye.
dalooshamid eeg dalooshan¹. ld duleeshamid.
dalooshan (1) Meel, wax dalool leh noqosho. ld duleeshan¹.
dalooshan (2) Wax dalool leh ahaansho. ld duleeshan².
dalooshnaan eeg dalooshan². ld dalooshnaansho, duleeshnaan, duleesh- naansho.
<< < 310 311 312 313 314 315 316 317 318 319 320 > >>