kawaweerid ld kabawaarid.
kawaweeris ld kabawaarid.
kawaweero ld kabawaarid.
kawdiid (1) ld kuududid.
kawdiid (2) ld kuudud².
kawdiidi ld kuududi.
kawdiidid ld kuududid.
kawdiidin ld kuududin.
kawir (1) 1. Burcad udgoon oo haweenku madaxa ku carafsadaan; hab gaar ah oo dumarku timaha u furtaan oo u gambaystaan. 2. Meel u weecashada dooni ama markab.
kawir (2) Doonni ama markab meel u leexin.
kawirasho eeg kawiro.
kawirid eeg kawir².
kawiro Haweeney kawir marsasho ama habka kawirka u firasho.
kawkab (1) Dhibaatada ka raacda xoolo aad u oomman biyo badan cabidda. ld kawkabid.
kawkab (2) Xoolo aad u harraadan ama u gaajeysan biyo badan oo ay cabbeen ku wareerid.
kawkabid eeg kawkab². ld kawkab¹.
kawl (1) ld shawl¹; shawlid.
kawl (2) Hilib dufan ku shiilid. ld shawl².
kawlid eeg kawl². ld shawlid.
kawrax (1) Wax qoyan oo aan si aad ah u engegin.
kawrax (2) In yar engegid.
kawrixi Si tartiib ah u engejin.
kawrixid eeg kawrax².
kawrixin eeg kawrixi. ld kawrixis.
kawrixis ld kawrixin.
kawtamid eeg kawtan².
kawtan (1) Cayaar quruurux lagu cayaaro oo jaadad badan u sii kala baxbaxda; shamako.
kawtan (2) Kaw-tan ciyaarid.
kax Meel bannaan oo aan lahayn geedo dhaadheer, caws iyo nagaarse leh.
kaxaan Roobka ugu horreeya ee dayrta da'a.
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>