Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: Diilalyo
danaag (1) Waxtar; dheef.
danaag (2) Meel bannaan oo kayni ku wareegsantahay.
danaagax Gogol yar. ld danagax.
danaani U d.: dad si danaana ah gacan ku siin.
danaani (1) 1. Soo noqoshada dhawaaqa marka uu ku dhaco qararka darbiyada iwm. 2. Buuq ama bulaan ka soo baxa dad badan ama xoolo iwm. 3. Cida dameeraha; durruqaan. ld dannaanni¹.
danaani (2) Qar, derbi iwm dhawaaq soo celin. ld dannaanni².
danaanin eeg danaani. ld danaano.
danaano La safashada qof la safto laba cidood ama ka badan oo is haya middood; hiilo. ld danaanin.
danaanyid eeg danaani². ld dannaanniyid.
danab (1) 1. Biriq. 2. Birdanab. 3. Qof ama wax dadka soo jiita.
danab (2) (fiis.) Barashada ifafaalaha saldanab ha ahaado danabneg ama mid qulqulaya.
danab-soocid Maxsuulka falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.
danabayn eeg danabee.
danabaysan Wax la danabeeyey ahaansho (bir).
danabaysnaan eeg danabaysan. ld danabaysnaansho.
danabaysnaansho ld danabaysnaan.
danabee Wax danab u yeelid.
danabneg (fiis.) Barashada saldanabyada ee neg, xoogagga u dhexeeya iyo badada danabka ee la xiriira.
danabnimo Danab ahaansho (qof).
danaboobid eeg danabow.
danabow Wax danab leh noqosho.
danaf 1. Qabow daran; dhaxan. 2. Weerar.
danagax ld danaagax.
danan (1) 1. Cida fardaha. 2. ld dananid.
danan (2) 1. Faras ciyid. 2. Dawan, lacag qaddaaddiic ah iwm sanqarid.
dananid eeg danan². ld danan¹ (2).
danaq Nabar, boog iwm dhiig ama dheecan ka keenid. ld damaq, damqi, danqi, daqan, daqmi, daqni, dinqi.
danayn eeg danee.
danaysad ld danaysasho.
danaysan Wax wax kale lagu daray ahaansho.
<< < 317 318 319 320 321 322 323 324 325 326 327 > >>

 

Exit mobile version