Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: findoob
hantiwadaageyn eeg hantiwadaagee.
hantiwadaagnimo Hantiwadaag ahaansho.
hantiyid eeg hanti². ld hantin.
hantiyoobid eeg hantiyow.
hantiyow U h.: wax uu qof leeyahay noqosho.
hantool Naxash.
hanuun (1) Raacidda la raaco waddada toosan ee Eebbe jideeyey.
hanuun (2) Aad iyo aad, si weyn. Tus. “Beerka hanuun buu i xanuunayaa”.
hanuun (3) Qof xume u samayn jirey ka waantoobid.
hanuuni 1. Cid dawga san ku toosin. 2. Dhaqan, figrad, ama aragti cid ku barbaarin. 3. Cid meel aanay garanayn tusid.
hanuunid eeg hanuun³.
hanuunin eeg hanuuni. ld hanuunis.
hanuunis ld hanuunin.
hanuuniye Qof wax hanuuniya.
hanuunsan Wax hanuunsan ahaansho.
hanuunsanaan eeg hanuunsan. ld hanuunsanaansho.
hanuunsanaansho ld hanuunsa-naan.
hanweyn U h.: qab weyn lahaansho.
hanweynaan eeg hanweyn. ld han-weynaansho, hanweyni.
hanweynaansho 1. eeg hanweynow. 2. ld hanweyni.
hanweyni Dareen qof ku dhaliya in uusan qaadan, waxyaabaha uu u qabo in aanay u qalmin; qab weyn leh. ld hanweynaan.
hanweynow Qof hanweyni qaba noqosho.
haq Harraad iyo gaajo badan.
haqab Baahi, dan.
haqabbeel (1) Baahibeelidda wax laga baahibeelo. ld haqabbeelid.
haqabbeel (2) Ka h.: wax inta looga baahanyahay ka qaadasho.
haqabbeelid eeg haqbbeel². ld haqqabbeel¹.
haqabtir (1) ld haqabtirid.
haqabtir (2) Cid baahi tirid.
haqad 1. Cad yar, beer ka mid ah oo qof maalin fali karo. 2. ld haqasho. 3. Qarar dhaadheer oo xeebaha ku yaal.
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>

 

Exit mobile version