malaa'ig 1. Saddexda uun ee caanka ah, kan aan ahayn insiga iyo jinka oo nuurka iyo iftiinka laga abuuray. 2. Heer ka mid ah koritaanka xasharaadka qaarkood oo u dhexeeya heerka diirdiirrada, lullumada iwm iyo heerka ugu dambeeyo ee ay gaaraan. 3. eeg malag¹.
malaace (bot.) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa. Malaacayaasha waxa loo qaatay in ay yihiin caleemo horumaray oo leh dhismo sahlan.
malaakh (1) Qof qolo madax u ah; ugaas; garaad iwm. ld malaaq¹.
malaakh (2) Qof malaakh ka dhigid. ld malaaq².
malaakhad Ul yar, dheer oo madax ballaaran leh oo soorto marka la karinaayo lagu walaaqo; irbe.
malaakhadi Soor malaakh ku walaaqid.
malaakhadin eeg malaakhadi.
malaakhid eeg malaakh².
malaaq (1) ld malaakh¹.
malaaq (2) ld malaakh².
malaas (1) Salaaxidda dhoobo, shamiito, nuurad iwm ee derbi lagu sameeynayo la salaaxo.
malaas (2) 1. Dhoobo gaar ah oo madaxa la marsado si ay tiinta u caseeyso; xaraar; tarro. 2. Tin aad u jilicsan.
malaas (3) Wax, wax kale sida dhoobo iwm si wanaagsan ugu dhoobid.
malaasan (1) 1. Wax la malaasay noqosho. 2. Ka m. wax xallintooda maaro loo waayey noqosho. Tus. “Cabdi arrintii way ka malaasantay”.
malaasan (2) 1. Wax la malaasay ahaansho. 2. Meel furnayd sida irrid, god, duleel iwm wax la xiray ahaansho. 3. Qof aan wax fahmin ahaansho. 4. Ka malaasan qof aan arrin xogteeda la socon ahaansho.
malaaseysasho eeg malaaseyso.
malaaseyso Timaha malaas marsasho.
malaasid eeg malaas³.
malaasmid eeg malaasan¹.
malaasnaan eeg malaasan². ld malaasnaansho, malaasni.
malaasnaansho ld malaasnaan.
malaasni ld malaasnaan.
malaayiin eeg malyuun.
malab Miid aad u macaan oo shinnidu sameeyso.
malabcir (dii.) Cunno macaan oo reer Banii Isra'iil mucjiso ahaan cirka looga soo daadshey.
malabmaris Shimbir dadka u hoggaamisa meesha uu malabku ku jiro; shimbir malab.
malabsad ld malafsasho.
malabsasho ld malafsasho.
malabsi ld malafsasho.
malabso ld malafso.
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>