Ereyga Maanta: dhuundhaw
mudac Qalab af dhuuban oo daab qori ah oo la qabsado leh, laguna tolo dhiilaha, haamaha iwm.
mudac-middiil Qalab bir ka samaysan, af fiiqan iyo dhex ballaaran oo wax goysa leh oo haanta, masafta iwm marka la samaynayo loo isticmaalo.
mudan (1) (mudan, m.l) Qaddarin gaar ah qof la siiyo; wax la mutaystay. ld mudanti.
mudan (2) Wax meel ku turqan noqosho (shay).
mudan (3) 1. Erey tilmaama naag sharaf mudan. 2. (m.u) Dad muhim ah.
mudan (4) Wax la muday ahaansho.
mudan (5) 1. Qof wax u qalama ahaansho. 2. Qof wax sharaf huwan ahaansho.
mudane 1. Xubin baarlamaan oo la soo doortay; xildhibaan. 2. Qof sharfid mudan.
mudanti ld mudan¹.
mudasho eeg mudo.
mudasho (1) eeg mudo.
mudbax (1) 1. Wax caarad leh oo inta wax doc ka muda docda kale uga baxa. 2. ld mudbixid. ld murbax¹.
mudbax (2) Ka m.: wax caarad leh wax ka dhex bixid. ld murbax².
mudbaxsan Ka m.: wax, wax la socday ama la sinnaa wax ka soo hor muuqda ahaansho. ld murbaxsan.
mudbaxsanaan eeg mudbaxsan. ld mudbaxsanaansho, murbaxsanaan, murbaxsanaansho.
mudbaxsanaansho ld mudbaxsanaan.
mudbixi Wax waran iwm ka dhex bixin. ld murbixi.
mudbixid eeg mudbax². ld mudbax¹ (2), murbax¹, murbixid.
mudbixin eeg mudbixi. ld murbixin.
muddaahanee ld muddaahinee.
muddaahaneyn ld muddaahineyn.
muddaahano 1. Meermeerin iyo dib-udhigidda arrin aan la doonayn in la fuliyo. 2. ld muddaahineyn.
muddaaharaad (1) Bannaanbax ay dadweyne tiro badan meel fagaaro ah ku sameeyaan, iyagoo wax taageeraya ama diidaya. ld mudaaharaad¹.
muddaaharaad (2) Dadweyne tiro badan oo wax taageeraya amaba diidaya fagaaro isugu soo bixid. ld mudaaharaad².
muddaaharaadid eeg muddaaharaad². ld mudaaharaadid.
muddaahinee Arrin aan la rabin in durba la fuliyo, dibudhig, meermeeris iyo hadal macaan ku wadid. ld muddaahanee.
muddaahineyn eeg muddaahinee. ld muddaahaneyn, muddaahano, muddaahino.
muddaahino ld muddaahineyn.
muddac (1) Ninka garta sheeganaya.
muddac (2) La m.: cid la garramid ama dacwiyid.
<< < 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 > >>