makhluuq 1. Nafleyda Eebbe abbuuray oo dhan; uun. 2. Dad.
makhmal Maro xariir ah oo ay haweenkii hore qaadan jireen.
makhmarad Weel khamrada laga gato laguna cabbo.
makhnaatad Hadal ama dhaqan aad u xun. ld makhnaato.
makhnaato ld makhnaatad.
makhoor (1) 1. Hab doonyaha shiraaca leh u socdaan marka ay aadayaan jihada ay dabayshu ka imaaneyso iyagoo hadba dhan isu dadbaya. 2. ld makhoorid.
makhoor (2) Doon shiraac leh aadid dhanka dabaysha ka imaaneyso iyadoo hadba dhan isu dadbeysa. ld mokhoor².
makhoorid eeg makhoor². ld makhoor¹, mokhoor¹, mokhoorid.
makhrib ld marqib.
makhsin ld maqsin.
makhuur (1) ld maquurid.
makhuur (2) ld maquur².
makhuuri ld maquuri.
makhuurid ld maquurid.
makhuurin ld maquurin.
makhuursan ld maquursan.
makhuursanaan ld maquursanaan.
makhuursanaansho ld maquursanaan.
makiinad 1. Mashiin. 2. Sakiin.
makooko Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka Jilib.
maktabad 1. Meel buugag badan oo kala jaad ah yaalliin oo laga amaahsado ama lagu akhristo. 2. Dukaan buuggagta, wargeysada, waraaqaha xafiiska iwm loogu iibsho.
makuuti Caws guryaha carshaanta ah la saaro oo laga sameeyo geedka qunbaha.
mal (1) 1. Saxaro jilicsan oo dhasha yaryar oo caano ku noolka ahi dhigaan. 2. Cudur kala goysyada ku dhaca oo kuuduudiya. 3. Cudur dhasha geela ku dhaca oo kuduudiya.
mal (2) Dhal yar oo caana ku nool ahi mal dhigid.
mala-abbaar (1) Mala'awaal.
mala-abbaar (2) Wax mala'awaalid.
mala-abbaarid eeg mala-abbar².
mala-awaal (1) Wax aan la hubin oo male ku dhisan.
mala-awaal (2) Wax aan la hubin qiyaasid.
mala-awaalid eeg mala-awaal².
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>