Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaflad
nimceysnaansho  ld nicmeysnaan.
nimco  ld nicmo.
nimcooley  ld nicmooley.
nin  1. Qof lab oo qaangaar ah. 2. Qof lab ah oo wanaag iyo karti dheeraad ah leh. 3. Labada qof ee isqaba midka lab; say.
nin la xoreeye  (niman ..., m.l) (taar.) Waqtiyadii hore addoonka marka la xoreeyo, beertiisa wuu falan jirey xorna wuu ahaa; xoryeel.
ningax1  Mayrax, maro iwm. oo qarka lagaga duubo haruub si uu weelka aad ugu qabsado. ld lingax¹, niggax¹. ningax2  Haruub qarka mayrax, maro, iwm ugu duubid si uu weelka aad ugu qabsado. ld lingax², niggax². ningaxan  Haan wax la ningaxay. ld lingaxan, niggaxan.
ningaxasho  eeg ningaxo. ld lingaxasho, niggaxasho.
ningaxnaan  eeg ningaxan. ld lingaxnaan, lingaxnaansho, niggaxnaan.
ningaxnaansho  ld ningaxnaan.
ningaxo  Haan ningax u yeelasho. ld lingaxo, niggaxo.
ningixid  eeg ningax². ld lingixid, niggixid.
ninhawleed  (nimanhawleed, m.l) Nin karti badan u leh shaqada.
ninkarmeed  Nin karti, geesinimo iyo deeqsinimo dheeraad ah leh.
ninnimo  Nin ahaansho.
nintooxsad  ld nintooxsasho.
nintooxsasho  eeg nintooxso. ld nintooxsad, nintooxsi.
nintooxsi  ld nintooxsasho.
nintooxso  1. Ceel keli shubasho. 2. Hawl keli ku qabasho.
niqid  ld naqid.
nirgadhoob  (c.nafl.) Cayayaan duula oo hinjibisada u eg oo derbiyada, laamaha geedaha iwm ku dhista buulal dhoobo ah. ld nirgasamays.
nirgasamays  ld nirgadhoob.
nirig1  Ubadka geela midka lab; qurbac. nirig2  Ubadka geela midka dheddig. nis  Weel yar oo qori ka samaysan, gacan leh oo biyaha la darsado; kalax.
nisbee  U n.: wax inuu wax kale ka soo jeedo u aqoonsasho. Tus. “Deeqsinimada Cali waxaa loo nisbeeyaa aabbihiis”.
nisbeyn  eeg nisbee.
nishaab1  1. Aqoonta toogashada yoolka. 2. Daldaloollada loo yeelo dhufaysyada si cadowga looga ilaaliyo. ld niishaab¹. nishaab2  Waxa la toogana hayo, toogta ku duwid, ku abbaarid. ld niishaab².
page : 27 of 35
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>

 

Exit mobile version