nis
(m.l) (-sas, m.l)Weel yar oo qori ka samaysan, gacan leh oo biyaha la darsado; kalax.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nis ↴
baadiddoonis [m.dh]
ld baadiddoonid. baadiddoonid
ab'orijinis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-syo, m.dh)
Dadka asal ahaan u deggan amase degganaan jiray gobol, gaar ahaanse waxaa lagu istimaalaa dadkii Ustraliya degganaan jiray intii aan caddaanku tegin; ab'ogaa.
arbucuunis [m.dh]
ld arbucuunid.
ayoonisfeer [m.l]
(fiis.) Gibilka saddexaad ee xiga istaratosfeerka fidsan ilaa 1,000 km. Gibilkani, waxa uu leeyahay afar lakab, oo neefaha ku jiraa ay yihiin aysonno. Taasi waxa ay inoo fududeysaa isgaarsiinta iyo baahinta wararka.
baanis [m.dh]
ld baanid.
baanise [m.l]
1. ld baaniso. Hadal ama dood qoran ama aan qornayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo. 2. ld baane.
baaniso [m.dh]
ld baanise (1).
baxnaanis [m.l]
ld baxnaanin.
baydari [m.l] (-iyo, m.dh)
Nin nishaabta aad u yaqaan; hargaanti.
benisiliin [m.dh]
(daaw.) Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan “penicillum - notatum” loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.
n [m.dh] (na')
Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.