Warbixin+Sawirro:Bandhigga saddexaad ee Buugaagta oo Garowe laga daah-furay.

Madaxweyne Gaas ayaa maanta daah-furay bandhigga saddexaad ee buugaagta Garoowe,waxaana  bandhiggaan oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen maktabadda Scansom iyo Mahadka SIDRA  kasoo qayb galay qorayaal caan ah, farshaxaniistayaal maahiriin ah oo isaga kala yimid degaanno kala duwan,macalimiinta jaamacadaha,kuwa iskuulada, iyo akhristayaal aad u faro badan.

Dhammaan ka qaybgalayaasha  Bandhigaan ayaa si weyn usoo dhoweeyey,waxayna mahad iyo bogaadin u jeediyeen  soo qaban-qaabiyaasha  bandhigga Scansom iyo SIDRA,iyadoo halkaasi akhristayaashu ka heleen buugaag qiimo badan sidoo kalena ay ka faa’ideen qorayaal iyo farshaxanlayal khudbado u jeediyey.

Dhinaca kale mas’uliyiinta maktabadda Scansom iyo Mahadka SIDRA oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay bandhiggaan usoo qaban qaabiyeen si ay uga faa’ideeyaan dadweynaha Soomaaliyeed ee akhriska jece,islamarkaana cilmiga ay ka dhigtaan goob ay cilmi badan ka helaan.

Ugu dambayn madaxweynaha Dawladda Puntland oo hadal ka jeediyey furitaanka bandhigga ayaa sheegay in dawladdu qayb lixaad leh ka qaadatahay, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday in uu dhax dhigidoona, hirgelinadoono dhismayaal wax badan ka taridoona soo noolaynta Afka Hooyo iyo dhaqankeena.

Daawo sawirrada.

 

 

Xigasho: Puntlandi

Leave a Reply