BALDHEH ALXAMDU LILLAAH! Say Though ALHAMDU LILLAAH!

BAL DHEH ALXAMDU LILLAAH!- Say Though ALHAMDU LILLAAH!

Waxa Jiray Beri Hore — A Long Time Ago
Boqor Aad U Aqoon Yar — There Was A King With Little Wisdom
Gacanyare Baxsan Lahaa — Who Had A Good Adviser
Aad U Burqada Wacdiga — Who Gave Him Well The Ethos
Beri Bay Is-Raaceen — Once They Went Together
Ugaadhsi U Baqooleen — They Went For Hunting
Banjoog Tuban Halacsadeen — They Saw A Flock For Hunt
Judhiiba Boqorkii Baa — Instantly The King Got Prepared
La Soo Baxay Fallaadhii — He Took Out His Arrow
Qaansadii Ku Beegoo — Adjusted To The Bow
Burtuurtay Gamuunkii — And Released The Arrow
Birtii Fallaadhaa — The Metal Part Of The Arrow
Gacan Ka Sartay Boqorkii — Cut The King’s Finger
Boqorkii Baa Yidhi — The King Said Oh!
Bilow Bal Eeg Nabarka — Oh!Bile! See The Wound
Bilaa Ku Yidhi Boqorkii — Bile Said To The King
Bal Dheh Alxamdu Lillaah — Say Though Alhamdu Lillaah!
Boqorkii Baa Xanaaqay — The King Got Upset
Boogtaa Dhiiggu I Da’ay — A Wound Which Is Bleeding
Ayuu Bal Leeyahay — And He Is Saying To Me
Bal Dheh Alxamud Lillaah — Say Though Alhamdu Lillaah!
Bandarkii Bay Ku laabteen — They Went Back To Town
Boqorkii Baa Amray —The King Ordered That
Horta In Bile La Xidho — Bile Should Be Arrested
Bile Yidhi Alxamdu Lillaah — Bile Said Alhamdu Lillaah!
Boqorkii La Yaab Bile — The King Felt Strange About Bile
Ninkan Bal Aan Xidhee — This Man Which I Arrested Him
Beegsaday Alxamdu Lillaah — But Kept Saying Alhamdu Lillaah!
Nabarkii Baa La Dhayay — The Wound Was Treated
Isagoon Weli Bogsan — Before It Got Healed
Ayuu Boqorkii Keligii — The King Went Alone
U Boqoolay Ugaadhsi — For Hunting
Baradii Buu Ka Ambaday — He Went Lost
Beel Cawaanuu U Galay — He Got Himself Among Pagan People
U Booyaya Qof La Loogo — Wanting A Human Sacrifice
Boqorkii Waa La Xidhxidhay — The King Was Tied Up
Way Farax Bootamayaan — They Started Chanting
Dab Baa U Belbelaya — There Is A Fire Blazing
Bulbulihii Beeshaas — The Chief Of That People
Ayaa Buul Halkana — Who Was In Nearby Hut
Dibada Uga Soo Baxay — Come Out Of The Hut
Wuxuu Sitaa Bilaawe — Holding A Big Knife
Si Uu U Loogo Basharkan — To Sacrifice This Man[The King]
Boqorkii Hoos U Yidhi — The King Secretly Said
I Badbaadi Eebbow! — O’ God Save Me!
Tin Iyo Cidhib Boqorkii — From Top To Toe Of The King
Wuxuu Ka Baadhay Iin — He Searched For A Defect
Boogtii Gacantuu Arkay – He Saw The Wound In The Hand
Dib Buu Uga Booday — He Unhappilly Pulled Back Of Him
Wuxuu Yidhi Basharkani — He Said This Man
Iin Buu Leeyahay — Is Not Perfect He Has Got A Wound
Uma Qalmo Beeshaanu — He Is Not Fit For Our People’s
Loogtii Ay U Booyaysay — Wanted Sacrifice
Boqorkii La Sii Daa’ — The King Was Untied And Released
Bandarkiisii Ku Laabay – He Went Back To His Town
Biluu Soo Daayay — He As Well Released Bile
Bilow Waan Anbay Maanta — O’Bile! Today I Got Lost
Beel Cawaanaan U Galay — I Got Myself Among Pagan People
Boqmahay Iga Xidhxidheen — They Tied Me With Rope
Si Ay Ii Ba Loogaan — To Sacrifice Me
Markay Boogta Arkeen— When They Saw The Wound
Baa Ay I Soo Daayeen — They Untied Me And Released
Inaynu Wada Boqoolnaa — I wished We Went Together
Ayaa Bilow Malaa Wacnayd- Wouldn’t That Have Been Better Bile!
Bile Yidhi Alxamdu Lillaah – Bile Said Alhamdu Lillaah
Haddaan Bal Kula Socdo — If I Was With You
Anigaa Bilaa Nabaree — See I Had No Wound
Sow Layma Bireeyeen — So I Would Have Been The sacrificed
Markanuu Boqorkii Gartay — Now The King Acknowledged
Boogtuu Qoonsanayay — He Was Resenting The Wound
Inuu Isagu Ku Burasiday — But He Was The Beneficiary
Iyo Wacdigii Bile Yidhi — With The Ethos Bile Said
Bal Dheh Alxamdu Lillaah! — Say Though Alhamdu Lillaah!

Leave a Reply