yibir2 Haweenay aad u hunguri xun. yibirnimo Yibir ahaansho.
yiblasho eeg yiblo.
yiblo Wax yibal hayo noqosho.
yicib Gudda miro ka baxa oo qolof iyo labo qalbac oo beer ah leh oo la cuno, aadna u nuxrur badan. ld jicib.
yicibciye Nooc ka mid ah dhirta faalasha oo geelu aad u daaqo.
yiciis Dad tabartoodu liidato saboolna ah.
yicis 1. Carruur yaryar oo tabar daran nafaqo darro awgeed. 2. Carruur yaryar oo hooyadood dhimatay.
yicisnimo Wax yicis ah ahaansho (carruur).
yididdiilo Rajo; himilo. ld hididdiilo.
yir Wax yar oo adag oo ku go'an ibta neefka guran.
yirid (daaw.) Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. ld yerid (1).
yix Timaha hore oo yaleexa ah oo carruurta la dhashaan.
yohoomid eeg yohoon².
yohoon1 Y. ah: gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan. yohoon2 1. Socod aan joogsi lahayn socosho. 2. Gaadiid badeed dabayl gadaal uga timid si fiican ugu socosho. 3. Iyada oo aan rajo laga qabin in la soo noqdo meel ka tegid. yohoonsan Wax yohoomay ahaansho.
yohoonsanaan eeg yohoonsan. ld yohonsanaansho.
yohoonsanaansho ld yohoonsanaan.
yoobsan Dad ama xoolo meel tuuran ahaansho.
yoobsanaan eeg yoobsan. ld yoobsa-naansho.
yoobsanaansho ld yoobsanaan.
yoobsasho eeg yoobso.
yoobso Dad ama xoolo meel tuurasho.
yooco (bot.) Geed kolkuu koro sal weyn yeesha oo haamo waaweyn iyo weelal kale laga qoro.
yoofil Timo aan la firin ee si xun ku dheeraada; yoos; baabbul; hoolif.
yookayn eeg yokee.
yookaysan 1. Xoolo, wax addimada ka xiran ahaansho. 2. Xoolo wax geed lagu qabbiray ahaansho.
yookaysnaan eeg yookaysan. ld yoo-kaysnaansho.
yookaysnaansho ld yookaysnaan.
page : 9 of 12
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 >