yuf Ari, sagaaro iwm dhogor kicidda haleesha marka cabsi la soo gudboonaato.
yulkhad Bayd faal oo manjaha tan ka sarraysa iyo madaxa ka ah min hal, madaxa tan ka hoosaysana labo.
yulqamid ld yoomid.
yulqan1 ld yoon¹. yulqan2 ld yoon². yulul ld yoon¹.
yumbad ld yumbasho.
yumbasho eeg yumbo. ld dhumbad, dhumbasho, yumbad.
yumbi Wax biyo ku dhex mukhuurin. ld dhumbi, kumbi (2).
yumbin eeg yumbi. ld dhumbin, kumbin.
yumbo Biyo dhex mukhuurasho. ld dhumbo.
yur Erey xoog loo yiraahdo kolka bahal layska celinayo, si uu u joogsado.
yurasil (baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.
yurayn eeg yuree.
yuree Dugaag wax ka celin.
yurqudle Waqti gaajo aad u darani jirto oo cuntadu yar tahay.
Yurub Yurub (Af-Ingiriis: Europe; Af-Carabi: أوروبا) waa qaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaarada Aasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhaca Bada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga Badweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhaca Bada Mediterraniyan.
yuruuruc Koox ubad ah oo yaryar; carruur; gurbood.
yusur 1. Madow oo dhalaalaya (midab dad). 2. Geed laftiisa madow laga sameeyo miraha tusbaxa.
yutucsasho eeg yutucso.
yutucso Wax ama arrin qabsasho.
yuub1 Wiilasha la gudo cadka laga gooynaayo; buuryo; beejo. yuub2 1. Wax soo tagid. 2. Wax istaajin. ld yuuc². yuuban 1. Wax soo taagan ahaansho. 2. Wax taagan ahaansho.
yuubid yuuc². ld yuucid.
yuubnaan eeg yuuban. ld yuubnaan-sho, yuucnaan, yuucnaansho.
yuubnaansho ld yuubnaan.
yuuc1 Yaaw laba loo dhigay middood. yuuc2 ld yuub². yuucan ld yuuban.
page : 11 of 12
<< < 6 7 8 9 10 11 12 >