yahan 1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.
yakayn eeg yakee.
yake 1. Ganaax weyn oo la saaro cid jebisey xeer u degsan bulsho dhaqan wadaag leh. 2. ld yeeg.
yakee Cid ganaax weyn saarid.
yakeysan Qof yakoobay ahaansho.
yakeysanaan eeg yakeysan. ld yakeysa-naansho.
yakeysanaansho ld yakeysanaan.
yakoobid eeg yakow.
yakow Qof xujoobid.
yal Dabayl qabow oo roobku keeno.
yalaalug Lallabo. ld yalaalugo.
yalaalugo ld yalaalug.
yalaalugoo Qof yalaalugo dareemid.
yalaalugood eeg yalaalugoo.
yalaalugsan Qof yalaalugo hayso ahaansho.
yalaalugsanaan eeg yalaalugsan. ld yalaalugsanaansho.
yalaalugsanaansho ld yalaalugsanaan.
yalalaxo ld yalanyalxo.
yalanyalxo Dabayl qabow oo roobku markuu da'o ka dib timaada. ld yalalaxo.
yalanyalxoo Dhaxan yar dareemid cabsi awgeed.
yalanyalxood eeg yalanyalxoo.
yalax Y. ah: timo aad u jilicsan. ld ya-leex (2).
yaleex 1. Dabayl ka kacda miyiga oo cabsigelisa qofka keligiisa socda. 2. ld yalax. Timo dad oo aad u jilicsan, sida yixda.
Yallah hayahee! bax!, tag!, kac!, hus!, yur! ld kis.
yamaan Qamaan.
yamaarug (bot.) Geed yar oo gaxandhada u eg.
yamays (bot.) Dhul weyn oo wareegsan oo go'ay oo salkiisu fogyahay oo inta badan biyo galaan, sida kan Gaalkacyo ku yaal.
yamxeeri Qof xaaladdiisa dhaqaale oo wanaagsan ka been sheegid; wax badan ka dayrin.
yamxeerin eeg yamxeeri. ld yamxeero.
yamxeero ld yamxeerin.
page : 4 of 12
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>