Ereyga Maanta: qawadid
yaree  1. Qof fal samayntiisa dhimid. 2. Qof wax weyn ama tiradoodu badantahay wax yar ka dhigid. ld yareysii.
yarehe  ld yare.
yariis1  Y. ah: nin bar yar. yariis2  Y. ah: haweeney bar yar. yaris  1. Ugaarta qaybteeda yaryar sida calakudda, sagaarada iwm. 2. Cawska jaad ka mid ah.
yarow  Wax yaraaday noqosho.
yaryarayn  eeg yaryaree.
yaryaraysasho  eeg yaryarayso.
yaryaree  Yaryar ka dhigid; jarjarid; dhuudhuubid.
yaryareyso  Wax isticmaal-kooda dhaqaalaysasho.
yaryaro  Jaad cawska xooluhu daaqaan ka mid ah.
yas  Cid wax liita ka dhigid.
yasid  eeg yas.
yasir  U y.: cid wax qabsoo-middiisa u sahlid.
yasirid  eeg yasir.
yatiin  Carruur yaryar oo aabahood dhintay; agoon.
yaw  Y. ah: qof damac iyo hunguri badan leh oo bulshada dhexdeeda aan qiimo ku lahayn.
yawyab1  1. Baryo foolxun oo qof baryayo laga aamusi waayo oo faraqa lagu dhego. 2. Buuq carruur. yawyab2  1. Ku y.: si aad ah cid wax uga baryid. 2. Ku y.: nafley buuq samayn. yawyabid  eeg yawyab².
yaxaas  (c.nafl.) Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatay u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu leeyahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcanyihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa.
yaxdho  Hilib.
yaxoob  ld yoxoob².
yaxoobid  ld yoxoobid.
yaxuus  Nin aad u gaboobay.
yaxuusoobid  eeg yaxuusow.
yaxuusow  Yaxuus noqosho (nin).
yaxyax1  1. Xishood; sheex; xil ka bax. 2. ld yaxyaxid. yaxyax2  Qof ceeb weyn dareemid. yaxyaxi  Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin.
page : 6 of 12
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>