Ereyga Maanta: qooshid
kadeed (2) Wax aad u dhibid.
kadeedan (1) Wax la kadeeday noqosho.
kadeedan (2) Wax la kadeeday ahaansho.
kadeedid eeg kadeed².
kadeedmid eeg kadeedan¹.
kadeednaan eeg kadeedan². ld kadeednaansho.
kadeednaansho ld kadeednaan.
kadhoorad ld kalloorad.
kadi Si kedo ah u dhicid. ld kedi².
kadiido ld kadiidyo.
kadiidoo ld kadiid-yoo.
kadiidood ld kadiidyood.
kadiidyo Qandho lala jareeyo. ld kadiido.
kadiidyoo Kadiidyo dareemid. ld kadiidoo.
kadiidyood eeg kadiidyoo. ld kadiidoo.
kadin (1) 1. Xero ama guri meesha furan ee laga galo; irrid, illin, albaab. 2. Boqol neef oo geel ah. 3. Geel gaar u foofi kara oo cid anfici kara.
kadin (2) eeg kadi. ld kedin, kedis.
kadiso Wax aan lagu talaggelin oo si lama filaan ah u dhaca. ld kediso.
kadlayn eeg kadlee. ld kadlays.
kadlays ld kadlayn.
kadlaysii Si kadle ah u orodsiin (faras, dameer iwm).
kadlaysiin eeg kadlaysii.
kadle Orod aayar ah oo afar addin lagu ordo.
kadlee Si kadle ah u ordid.
kaduud (1) 1. Laalaabka saanta wejiga. 2. ld kaduudid.
kaduud (2) Saanta wejiga laalaabid. ld kuduud.
kaduudan (1) Wax la kaduuday noqosho.
kaduudan (2) Wax la kaduuday ahaansho. ld kuduudan.
kaduudi Saanta wejiga laalaab u yeelid. ld kuduudi.
kaduudid eeg kaduud². ld kaduud¹ (2), kuduud¹, kuduudid.
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>