Ereyga Maanta: qawadid
ayoon  (kiim.) Atam ama koox atamyo ah oo lumiyay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanab togan (a. togan), ama helay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanabtaban (a. taban). Weliba eeg aayoonayn.
ayoon-taban  (kiim.) Ayoon saldanab taban leh, oo sameysma marka atamyada ama molikiyuulada lagu daro elektaroonno. Marka danabsoocidda la sameynaayo, ayoonada taban waxa jiita qotinka togan.
ayoon-togan  (kiim.) Ayoon saldanab togan oo ka dhashay atammo ama molikuyuullo laga xayuubiyey elektaroonno. Marka danabsoociddu dhacayso, ayoon-toganayaasha waxa jiita qotinka taban.
ayoonisfeer  (fiis.) Gibilka saddexaad ee xiga istaratosfeerka fidsan ilaa 1,000 km. Gibilkani, waxa uu leeyahay afar lakab, oo neefaha ku jiraa ay yihiin aysonno. Taasi waxa ay inoo fududeysaa isgaarsiinta iyo baahinta wararka.
ayro  Hal adkaysi badan oo cad iyo caano dheeraad ah leh.
aysootoonik  (baay.) Waxa lagu sharxaa milannada leh cadaadis isku mid ah. Tus. “Milan”, .01m oo sonkor ah iyo milan .01m oo gulukows ahi waa milanno cadaadis isku mid ah leh”.
page : 75 of 75
<< < 70 71 72 73 74 75