Ereyga Maanta: maneysi
awooddarri  ld awooddarnaan.
awooddarro  ld awooddarnaan.
awoode  (dii.) Haddii aad dhinca Illaah fiiriso, waxaad ula jeeddaa, in uu wax kasta ka awood badanyahay.
awoodid  eeg awood².
awoodla'aan  Wax aan awood lahayn; tabardarro; karti la'aan. ld awoodla'aansho, awoodli'i.
awoodla'aansho  ld awoodla'aan.
awoodli'i  ld awoodla'aan.
awoodsii  Cid karti ay wax ku qabato u yeelid.
awoodsiin  eeg awoodsii. ld awoodsiis.
awoodsiis  ld awoodsiin.
awoowe  1. Aabbaha aabbihiis ama hooyada aabbaheed. 2. u.j: awoowow! 3. u.j: wiilka aan awoowaha u ahayow!; gabadha aan awoowaha u ahayey! ld awow.
awow  ld awoowe.
awqoosi  Gacan yaraha hargaantiga, marka uu herinta la joogo.
awr  (awr, m.dh) 1. Geela kiisa lab; rati. 2. A. cirka: urur xiddiga ah oo qaab rati leh.
awradhale  ld awrdhal.
awradhaye  Nagaar xooluhu daaqaan oo dhirta daawada leh ka mid ah.
awrdhal  1. Awrka markastaba hasha qurbac ka dhalo. 2. Hal da' kasta qurbac dhasha. ld awradhale.
awrdhaw1  1. Rimmay gacmeeda lagu sameeyo geedaha aan labeebka ahayn sida timirta; faxlid. 2. ld awrdhebid. awrdhaw2  Geedaha aan labeebka ahayn sida timirta iwm rimay gacmeed ku samayn; faxlid. awrdhebid  eeg awrdhaw². ld awdhaw¹ (2).
awrqaad  ld uurqaad.
awtaamid  eeg awtaan.
awtaan  Cid aan laga aarsan karin habaarid.
awtomaatig  Qalab isawada oo iskiis u shaqeeya. ld awtomaatiko, otomaatig.
awtomaatiko  ld awtomaatig.
ax  Cod lagu muujiyo xannuunka ama xaqiraad.
axaaddiis  eeg xaddiis.
axad1  Qof; ruux. axad2  Maalmaha toddobaadka mid ka mid ah oo u dhexeeysa sabtida iyo isniinta. axadeysasho  eeg axadeyso.
page : 71 of 75
<< < 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 >