Ereyga Maanta: dhawriwaa

aadsiin  eeg aaddin.

aadyar  eeg aayar.

aaf  Meel la deggenyahay ama ceel agagaarkood.

aafayn  eeg aafee. ld aafeyn.

aafee  Cid aafo gaarsiin.

aafeysan  Wax aafo haleeshay ahaansho.

aafeysnaan  eeg aafeysan. ld aafeysnaansho.

aafeysnaansho  eeg aafeysnaan.

aafo  Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.

aafoobid  eeg aafow.

aafow  Wax aafeysan noqosho (nafley badan).

aag  Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo urjikooyinka
laga qoro”.

aagaan1  Weel yar oo wax lagu shuban karo oo haamaha lagu aabburo.

aagaan2  Haan yar oo biyaha ama caanaha lagu shubto.

aagga-qabow  (jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada
qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.

aah  Cod yar oo qof xanuun hayo ka soo baxa. ld ah².

aaho  Dhiibato weyn oo abaar ama cudur ay keenaan oo guud ahaan saameya naflay badan.

aajur  Jaajuur yaryar oo ka samaysan dhoobo guduudan oo wax lagu dhiso.

aakhir  1. Kan dambe. 2. Quraanka qaybtiisa damba. ld aakhiritaan.

aakhiritaan  eeg aakhir.

aakhiro  Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.

aakhirutahan  eeg aakhir.

aakib  1. Ka aa. ah: faa’iidada laga rajeynayo
fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta
Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay
joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.

aal1  Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”.

aal2  aal²: 1. (f.g) Wax meel go’an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn.
ld ool², oollow

aalaa  Inta badan, marar badan, badanaa.
Tus.”Aa. ma yimaado saacadahaan”.

aalad  1. Qalab mashiin leh oo wax lagu qabsan karo. Tus. “Kombiyuutarku waa ±a. cusub oo cilmibaarista fududaysay”. 2. Qalab lagu dagaallamo; hub. 3. Qalabka dumarku ay qaataan ee isku qurxiyaan mid ka mid ah.

aalad-kabniin  (daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.

aaladee  1. Wax qalabeyn. 2. Wax qurxin. 3. Ciidan hubayn.
4. Cunto si ay caraf iyo dhadhan u yeelato geedo ku darid.

aaladeyn  eeg aaladee.


page : 3 of 75
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>