Ereyga Maanta: qawadid
caanaddiiq2  Dad, caanaha xoolahooda suuq u iib geeyn. caanaddiiqid  eeg caanaddiiq². ld caanaddiiqis.
caanaddiiqis  ld caanaddiiqid.
caanaggaleen  Xididdada caanuhu maraan ee candhada xoolaha.
caanaggocato  1. Nooc ka mid ah cayayaanka oo u eg doorshaanka. 2. Cudur jirka dadka ku dhaca oo nabarro cuncun leh u yeela.
caanalahar  Neef xoolaad oo ay adagtahay in caanaha laga dhammeeyo.
caanaley  ld caanooley.
caanallul1  Cayayaan yar oo sida doorshaanka qolof adag leh oo inta hadba istaaga, salka dhulka la dhacdhaca. caanallul2  ld caanolul; caanarrux, caanarruxato. caanammaal  Labada waqti ee xoolaha la maalo (fiid iyo subax middood).
caanammacays  ld caanammaceeye.
caanammaceeye  Geed maygaagga u eg oo lagu culo haamaha iyo dhiilaha iwm. ld caanammacays.
caanammiir  Qalab caanaha lagu miiro.
caanannuug  Ubad naasley oo aan weli naaska hooyadii ka go'in; naasnuug.
caanannuugnimo  Caanannug ahaansho. ld caanonnuugnimo.
caanannuuji  Caano nuujiin; caanosiin.
caanannuujin  eeg caanannuuji.
caanaqub  Naasley caws ku nool ah, qodxo dhaadheer oo mardimo caddaan iyo madow isku xiga dusha ku leh; kashiito; yaadaddo; dhiddo.
caanarrux  ld caanallul².
caanarruxato  ld caanallul².
caanateel1  1. ld caanaddiiq 1. 2.C. ah: xoolo lagu dhaqo meel u dhow tuulo ama magaalo si caanahooda loo suuqgeeyo. 3. C. ah: qof dhaqa xoolahaas. 3. ld caanateelid. caanateel2  Meel magaalo ama tuulo u dhow xoolo ku dhaqid si caanahooda loo suuq geysto. ld caanaddiiq². caanateelid  eeg caanateel². ld caanaddiiqid, caanateel¹ (3), caanateelis.
caanateelis  ld caanateelid.
caanateelley  ld caanaddiiq¹.
caanateyn  ld caanteen.
caanaxaraarshe  Nagaar xoolaha daaqa caanahooda kharaar noqdaan.
caanayn  eeg caanee.
caanee  Caano wax ku darid.
caaneeye  Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon.
page : 6 of 95
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>