caajisad Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. ld cajisad.
caajisan Qof caajis ah noqosho. ld cajisan.
caajisi Qof cajis ka dhigid. ld cajisi.
caajisid eeg caajis². ld cajisid.
caajisin eeg caajisi. ld cajisin.
caajisnaan eeg caajisan. ld caajisnaansho, cajisnaan, cajisnaansho.
caajisnaansho ld caajisnaan.
caajisnimo Caajis ahaansho. ld cajisnimo.
caal1 Cudur lo'da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay. caal2 Harag dheer, balaqsan oo lo'da luqunteeda dhinaca hoose ka laallaada. caal3 Lo' ama ido cudur caloosha ka barariya ku dhicid. caalam ld caalan.
caalami 1. C. ah: wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan. 2. C. ah: shay tayadiisu aad u wanaagsantahay.
caalaminnimo Caalami ahaansho.
caalan Dunida iyo waxa ku nool oo dhan. ld caalam.
caalgab Ka c.: Karti iyo awood wax lagu qabto waayid.
caalgabid eeg caalgab.
caalhel 1. U c.: arrin xal u helid. 2. Ka c.: cid arrin yeelsiin.
caalhelid eeg caalhel.
caali 1. Neef lo'ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid.
caalid eeg caal³.
caalim ld caalin¹.
caalin1 (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh. caalin2 eeg caali. caallannimo Caalle ahaansho; nacasnimo.
caalle Qof aad u garaad yar; segeger.
caallir1 Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas; caabuq. ld caallirid. caallir2 Meel dhaawac ah hurgumid. caallirid eeg caallir². ld caallir¹.
caallirsan Meel dhaawac ah wax caallir ah ahaansho.
page : 4 of 95
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>