hafranaansho ld hafranaan.
hafrid eeg hafar². ld hafaryo, hafriin, hafriinyo.
hafriin ld hafrid.
hafriinyo ld hafrid.
haftabbax1 ld haftibbax¹. haftabbax2 ld haftibbax². haftabixid ld haftibbixid.
haftayn Eeg haftee. ld hafteys.
haftee Nafley aad u cayrin si ay u xiiqdo.
hafteys ld haftayn.
haftibbax1 Xiiqid la'aanta nafleydu gaarto markay muddo oroddo kaddib. ld haftabbax¹. haftibbax2 Nafley heer aanay xiiqayn gaarid, markay muddo orodday kaddib. ld haftabbax². haftibixid eeg haftibbax². ld haftabbixid.
hafto Daal aan lala ordi karin, markay nafley muddo orodo kaddib; neeftuur.
haftoo Xiiqid ama xuurto dareemid.
haftood eeg haftoo.
hag Cod lagu isticmaalo in dameer socodsiiyo; yalla.
hag1 Qof indho la'hoggaamin. hagaag1 1. Oogada dadka inteeda hore; soojeed. 2. H. ah: toos; wanaag; sax. 3. ld hagaagid. hagaag2 1. Wax sidii laga rabay noqosho. 2. Ka h.: wax ama meel ka tegid. 3. Ku h.: wax, ama meel si toos ah u abbaarid. hagaagid eeg hagaag². ld hagaag¹ (3).
hagaagsan 1. Wax wanaagsan ama toosan ahaansho. 2. Ku h.: Wax, wax ku habboon ahaansho.
hagaagsanaan eeg hagaagsan. ld hagaagsanaansho.
hagaagsanaansho ld hagaagsanaan.
hagaagsasho eeg hagaagso.
hagaagso Wax si toosan ama wanaagsan ka dhigasho.
hagaaji 1. (f.g) Wax toosin ama wanaajin. 2. (f.mg) Ku h.: wax meel uu u socdo ku toosin. 3. (f.mg) Ku h.: warqad, farriin, alaab iwm cidda ay u socoto meesha laga heli karo u dirid.
hagaajin eeg hagaaji. ld hagaajis.
hagaajis ld hagaajin.
hagaas1 1. H. ah: xumaanshaha korriimada hore ee ubadka nafleyda. 2. ld hagaasid.
page : 14 of 93
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>