hakasho eeg hako. ld hakad.
haki Wax in yar joojin.
hakin eeg haki. ld hakis.
hakis (1) ld hakin.
hakis (2) (fiis.) Summad: X. Dhalanka mareeg leh saagin ama madhxin oo wadajir ahaan caabbiga mareegta kula dhaliya xayir. Hakiska waxaa lagu cabbiraa oom.
hako In yar joogsasho.
hal (1) 1. Tirada eber iyo laba u dhexeysa; kow. Tus. “Wuxuu dhalay hal wiil iyo hal gabar”. 2. Eray; hadal. 3. H. ah: Wax isku duuban ama wada jira. Tus. “Annagu hal baynu nahay”. 4. Meel; xag. Tus. “Halkan dhig: meeshan dhig”.
hal (2) Neef geel dhedig ah oo curtay.
hal-abuur (1) Curinta maansada.
hal-abuur (2) Maanso curin.
hal-abuurid eeg hal-abuur². ld hal-abuuris.
hal-abuuris ld hal-abuurid.
hal-adayg Dabeecad qof leeyahay oo ah in uusan go'aankiisa ka noqon. ld hal-adkaan.
hal-adkaan ld hal-adayg, hal-adkaansho.
hal-adkaansho ld hal-adkaan.
halaag (1) 1. Baaba'; le'asho. 2. ld halaagid.
halaag (2) Wax baaba'ka dhigid. ld halaaji, hallig².
halaagan (1) Wax baaba'ay noqosho. ld halligan¹.
halaagan (2) Wax baaba'ay ahaansho. ld halligan².
halaagid eeg halaag². ld halaag¹ (2), halaajin, halaajis, hallig¹, hallig.
halaagmid eeg halaagan¹. ld halligmid.
halaagnaan eeg halaagan². ld halaagnaansho, hallignaan, hallignaan-sho.
halaagnaansho ld halaagnaan.
halaaji ld halaag².
halaajin ld halaagid.
halaajis ld halaagid.
halaalac (1) H. ah: dhalaal badan oo ka soo baxa wax aad u iftiimaya; dhaldhalaal.
halaalac (2) Wax dhalaal badan bixin.
halaalicid eeg halaalac².
halaamacoodka sooh-maskaxeedka (daaw.) Halaamacoodka maskaxda waxa keeni kara fiirus ama baktiiriya ama waxay ka iman kartaa jir kahsi ka yimid talaal.
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>