Ereyga Maanta: qawadid
qaabnaansho  ld qaabnaan.
qaabsamaan  eeg qaabsan¹. ld qaabsamaansho, qaabsami (2).
qaabsamaansho  ld qaabsamaan.
qaabsami  Xeelashada qaab wanagsan wax yeeshaan. ld qaabsamaan, qaabsamo.
qaabsamo  ld qaabsami.
qaabsan1  Wax qaab wanaagsan leh noqosho. qaabsan2  Wax qaab leh ahaansho. qaabsanaan  eeg qaabsan². ld qaabsanaansho.
qaabsanaansho  ld qaabsanaan.
qaabuuli  1. Bariis yaryar, macaan oo hindiya laga keeno. 2. Bariis lagu daray xawaaji, kabsar, geed kuleyl iwm.
qaabxumaan  eeg qaabxun. ld qaabxumaansho.
qaabxumaansho  ld qaabxumaan.
qaabxumi  ld qaabxumo.
qaabxumo  Qaab aan qurxooneyn oo wax yeeshaan. ld qaabxumaan, qaabxumi.
qaabxun  Wax aan qaab wanaagsaneyn ahaansho.
qaac1  Uumi daruur la moodo oo wax gubanaayo ka soo baxa oo hawada ku baaho. ld qiic¹, qiiq¹ (2), qiiqaab¹. qaac2  Wax gubanaayo qaac bixin. ld qiic², qiiq², qiiqaab². qaaci  1. Wax qaac ka keenid. 2. Haruub qaac ku kululeyn. 3. Ka q.: ruuxaan ka shidid (cid). ld qiici, qiiqi.
qaacid  eeg qaac². ld qiicid, qiiqaabid, qiiqid.
qaacido  1. Saldhig xoog leh oo militari. 2. Xeer kooban oo maaddo cilmi ahi ay leedahay.
qaacin  eeg qaaci.
qaad1  1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”. qaad2  1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid. qaadaadhig1  ld qaadaadhigid. qaadaadhig2  Arrin si dhab ah u faaleyn. qaadaadhigid  eeg qaadaadhig². ld qaadaadhig¹.
qaadasho  eeg qaado.
qaaddac  1. Wax diidid. 2. Xiriir goyn. 3. Dhagax lagu huufayo dhagax kale ku dhufasho.
qaaddacaad  Go'aan wax lagu diido.
qaaddan  Qof aan maskaxdiisu dhammeyn ahaansho; derderan.
page : 2 of 86
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>