Ereyga Maanta: qawadid
qaajay  ld qaaje.
qaajaysan  ld gaajaysan.
qaajaysnaan  ld gaajaysnaan.
qaajaysnaansho  ld gaajaysnaan.
qaaje  1. Midab caddaan ah oo ay farduhu yeeshaan. 2. Qof midabka jirkiisa iyo tintiisaba aad u casyihiin. ld qaajay.
qaajeer  Uskag cad oo jirka dadka, dharka iwm ku samaysma marka uu dhidid ama qoyaan gaaro isaga oo wasaq leh.
qaajo  ld gaajo.
qaajoo  ld gaajoo.
qaajood  ld gaajood.
qaal  1. Laamaha cardunka ah ee ka soo baxa dhir roob ku da'ay. 2. Dhegaha ariga. 3. ld qaali.
qaalaamarogad  ld qaalmarrogasho.
qaalaamarrogasho  ld qaalmarrogasho.
qaalaamarrogo  ld qaalmarrogo.
qaalalyo  Caloosha oo kacda ama dacaroota oo sida wax laqanyaysan ay xooluhu la noqdaan, marka ay cunto ama biyo iska badshaan.
qaalalyoo  Qaalalyo ku dhicid (xoolo). ld qaalalyow.
qaalalyoobid  ld qaalalyood.
qaalalyood  eeg qaalalyoo. ld qaalalyoobid.
qaalalyow  ld qaalalyoo.
qaalee  ld qaaliyee.
qaaley  Qof aan dhergin.
qaaleyn  ld qaaliyeyn.
qaali  1. Q. ah: wax qiimihiisu badanyahay. 2. ld qaal (3). ld qaal.
qaalib  Sida qaalibka ah: sida loo badan yahay.
qaaligarayn  eeg qaaligaree.
qaaligaree  Wax qaali ka dhigid.
qaaligaroobid  eeg qaaligarow.
qaaligarow  Wax qaali ah noqosho.
qaalin1  Neef geel oo lab ah oo aan da'dii rarashada weli gaarin. qaalin2  Neef geel ama lo' ah oo aan weli gaarin da'dii curashada. qaaliyee  Wax qaali ka dhigid. ld qaalee.
page : 4 of 86
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>