qabeyn ld qubeyn.
qabeys ld qubeys.
qabeysasho ld qubeysasho.
qabeyso ld qubeyso.
qabid eeg qab³.
qabiil Dad dhalasho wada sheegta. ld qabiilo.
qabiili 1. Qof qabyaaladda aad u daneeya oo ku dhaqma. 2. Qof qabiil tiro badan ka dhashay.
qabiilo ld qabiil.
qabiix 1. Q. ah: hadal ama fal aad u fool xun. 2. Q. ah: qof xun.
qabil 1. Harag aan megdeysnayn. 2. Har, derbaal iwm adag oo laga galo roobka, qorraxda, dhaxanta iwm.
qablamid eeg qablan². ld qablan¹ (2).
qablan (1) 1. Hadal ama shanqar weyn oo culus; bulaan; hugun. 2. ld qablamid.
qablan (2) Hadal ama shanqar weyn sameyn.
qablax ld qabalax.
qablaxsan ld qabalaxsan.
qablaxsanaan ld qabalaxsanaan.
qablaxsanaansho ld qabalaxsanaan.
qabno Hanti.
qabo (1) 1. (bot.) Geed leh caano, qodxo iyo sooh wanaagsan oo weelal iyo alaabo kaleba laga sameysto. 2. Weelasha caanaha lagu shubto inta aan weli la xoolayn. 3. Weel qabo ka samaysan.
qabo (2) 1. (f.g) Wax gacan ku dhigid. 2. (f.g) Dhul, dad iwm hub ku hanasho. 3. (f.g) Cid fal xun ku kici lahayd ka celin. 4. (f.g) Shaqo fulin. 5. (f.g) Meel aadid. 6. (f.mg) Is q.: arrin iwm oo lagu kici lahaa ka harid. 7. (f.mg) Laba qof ama ka badan iska hor imaasho. 8. (f.mg) Is q.: laf jabtay xiriirsamid.
qaboobaan eeg qabow³. ld qaboobaansho.
qaboobaansho eeg qaboobow. ld qaboobaan.
qaboobe Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.
qaboobid eeg qabow².
qaboobow Wax qaboobay noqosho.
qabooji 1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin.
qaboojin eeg qabooji.
qaboojisasho ld qaboojiso.
qaboojiso Wax, wax qabow ka dhigasho.
qaboojiye Makiinad leh qol magudbiye hawo oo lagu keediyo alaabooyinka, cunnada iyo cabbitaanka si aanay u xumaan ama qabow u ahaadaan; tallaajad.
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>