Ereyga Maanta: dabree
qaboone ld qaboono.
qaboono Subaxnimada inteeda hore oo aan qorraxdu weli soo kululaan. ld qaboone.
qabow (1) 1. Kuleyl la'aan. 2. Q. ah: wax aan kululeyn.
qabow (2) 1. Wax heerkulkiisu hooseeyo noqosho. 2. Qof xasilan noqosho.
qabow (3) 1. Wax heerkulkiisu hooseeyo ahaansho. 2. Qof xasilan ahaansho.
qabowsasho eeg qabowso.
qabowso 1. (f.g) Wax qabow ka dhigasho. 2. (f.mg) Is qaboojin (qof).
qaboyaro (bot.) Qabo silloon oo qodxo yaryar leh iyo dhecaan cad oo caanaha u eg oo haddii dadka afka iyo indhaha ka gaaraan guba.
qabqab Indha-sarcaadin been ah oo cidi muujiso.
qabqable 1. Qof dadka isugu muujiya in uu leeyahay karti dheeraad ah; faataadhugle. 2. Qof firfircoon oo mas'uuliyad aan loo dirin isu xilsaara.
qabqabow Cabbitaan qabow oo la cabbo. ld qaqabow.
qabri 1. Godka meydka la gesho oo lagu aaso; xabaal. 2. Q. ah: qof calool adag oo aan sir iwm ka bixin.
qabsad ld qabsasho.
qabsan 1. Hawl iwm wax la qabtay ahaansho. 2. Ku q.: wax meel ku dhegsan ahaansho. 3. Tuug, dugaag iwm wax casiimo lagu akhriyey oo aan wax bi'in karin ahaansho.
qabsanaan eeg qabsan. ld qabsanaansho.
qabsanaansho ld qabsanaan.
qabsasho eeg qabso. ld qabsad.
qabsato Xubinta geedsaarku leeyihiin oo ay geedaha kale ku qabsadaan.
qabsin 1. Xiidmaha weyn ee nafleyda. 2. Xanuunka qabsinnada ku dhaca.
qabsin-ood 1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. ld qabsin-oodane.
qabsin-oodan (1) Xirmidda ay xiidmuhu xirmaan.
qabsin-oodan (2) Xiidmo wax xiran noqosho.
qabsin-oodane ld qabsin-ood.
qabsin-oodmid eeg qabsin-oodan².
qabso 1. (f.g) Wax cid ka qaadasho. 2. (f.g) Naag kufsasho. 3. (f.g) Dad, dal iwm xoog ku hanasho. 4. (f.g) Dhibaato la kulmid. 5. (f.mg) Ku q.: wax cid wadato kula dhegid. 6. (f.mg) U q.: cid deyn iwm ku dacweyn. 7. (f.mg) La q.: hawl, degaan iwm dabeecaddooda barasho.
qabsoomid eeg qabsoon.
qabsoon Hawl iwm wax la fuliyey noqosho.
qabuul Aqbal.
qabuuro 1. ld qabuur, qubuurro (2). Meel ay qabuur badan ku yaalliin oo loogu talaggalay in dadka dhintay lagu aaso. 2. eeg qabri.
qabweyn Qof islaweyni badan ahaansho.
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>