Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
(dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.
Lamidka: ilaah, eebbe, waaq
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
(dii.) Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jiray, jirina doona; Rabbi; Eebbe; Alle.
Lamidka: allaah, alle, eebbe
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne.
Lamidka: ilaah, rabbi, guulle, waaq, madhinte, weyne
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur