Ilaah

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (dii.) Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jiray, jirina doona; Rabbi; Eebbe; Alle.

Lamidka: allaah, alle, eebbe

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

Allaah

Macnaha:

  1. eeg Ilaah

Lamidka: ilaah

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

Alle

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.

Lamidka: ilaah, eebbe, waaq

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

eebbe

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jirey, jirina doona; Ilaah; Rabbi; Guulle; waaq; madhinte; weyne.

Lamidka: ilaah, rabbi, guulle, waaq, madhinte, weyne

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

Rabbi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Weynaha dunida iyo waxa ku dul nool oo dhan abuuray; Alle; Eebbe.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur