baal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
  2. Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

buunshe

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Qolofka sare ee jilicsan ee ku dahaaran badarka; xashir. ld buunsho, buushe.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

b

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ba') Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

baalcas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. ld baal¹ (4), baalcad² (2).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur