faraq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-qyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Daliigo yaryar oo badan oo laamaha geeduhu yeeshaan; raamo. 2. Dun soohan ama wax u eg oo maryaha dacalkooda iyo alaabadii kaloo la qurxina hayo loo yeelo oo laga lullulo; bul; taarash.
  2. (xis.) Inta ay laba xaddi is-dheeryihiin ama jawaabta la helo marka laba xaddi ama tibaax la kala gooyo. ld farqi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

raamo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhul daaqa xoolaha ku wanaagsan oo ciid cad, jilicsan leh. 2. eeg raan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

bul

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Miiqyo badan oo dun, mayrax iwm ah oo salka isaga xiran waxna lagu qurxiyo. 2. Saynta ka laallaadda dabada nafleyda qaarkeed inteeda dambe.
  2. (bulay, bushay) Mayrax, dun iwm miiqyo yaryar ka dhigid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

taarash

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qof meel loo diro oo dhanbaaal ama farriin sida; dhanbaalwade. 2. ld tarash. Daliig dharka la huwado ama la guntado dacalkiisa lagu qurxiyo oo marada iyo faraqa u dhexaysa; xiddo.
  2. Maro tarash u yeelid. ld tarash².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

farqi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Kala duwanaanta laba wax ama ka badan leeyihiin. ld faraq.
  2. Wax faraq u yeelid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur