horaad
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-ddo, m.dh)
Macnaha:
- 1. Naasaha xoolaha labada horreeya oo xagga xudunta xiga midkood. 2. Naasaha dumarka.
- (xis.) Ururka dhammaan xubnaha hore ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh x kutirsaneyaal ee la dhigo dhidibka jiifa (dhidibka-x) ee garaaf.
- Haan ama dhoon loogu horreysiiyo rarka ratiga dhaanka ah. ld kalsaar.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

