unug
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-gyo, m.dh)
Macnaha:
- Wax aan hore u jirin oo la curinayo, bilawga ugu horreeya.
- (baay) Halbeegga salka nolosha ee maatar iyo tamarina ka soo uunmaan, ku beddelmaan, ku kaydsaman, kuna isticmaal galaan. Unug kastaa wuxuu ka koobanyahay walxo cufan oo borotiin ah (borotobalaasam), kuwaas oo u meesiyoobey walax xab oo kale ah (saytobalaasam) iyo bu', kaas oo ay ku jirto DNA.
- Unug samayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

