bu'

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan..
  2. 1. (baay.) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiim.) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa..

b

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ba') Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.