adab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Suugaan.
  2. 1. Qalab u gaar ah aqal Soomaaliga oo wax lagu rito sida qufadda, xashinta iwm. 2. Kolay yar oo ka samaysan harag ama mayrax oo ay haweenku wax ku gurtaan.

Lamidka: Suugaan

suugaan

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Hadal tix ama tiraab ah oo murti hugan. 2. Laan aqoonta ka mid ah oo la barto; adab. 3. Naq; doog; cosob. ld soogaan.