afgembi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Hab aan sharci ahayn oo dowlad dhisan lagu beddelo; inqilaab. 2. Hoosmaridda, wax afkooda sare uu hoos maro. 3. ld afgembiyid.
  2. 1. Hab aan sharci ahayn dowlad dhisan ku beddelid. 2. Wax afkooda sare hoos marin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

inqilaab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-byo, m.dh)

Macnaha:

  1. Hab aan sharci ahayn oo dawlad dhisan lagu beddelo; afgembi.
  2. Dawlad dhisan si aan sharci ahayn ku beddelid; afgembin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

afgembiyid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg afgembi². ld afgembi¹ (3), afgembin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur