anfac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Waxtarka cuntadu jirka u leedahay; dheef; nafaqo. 2. Anfaco: cunto. 3. ld anficid.
  2. Cid faa'iido u yeelasho (wax).

dheef

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Fiitamiinka cuntada, caanaha iwm ku jiro. 2. Dulsaarka faa'iido ahaan looga helo lacag bangi la dhigtay.
  2. Ka dh.: wax faa'iido ka helid.

nafaqo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, ml.)

Macnaha:

  1. 1. Cunnada nafley cunto inta nuxurka leh; dux. 2. Cunto; masaruuf.
  2. (daaw.) Barashada cunnada iyo xiriirka ay la leedahay hawlaha dabiiciga ah ee jirka oo ku xiran qaadashada cunnada ee jirka: kormitaanka, tamar ameynta, dib u sameynta soohyada jirka iwm cilmiga nafaqada waa barashada cunnooyinka iyo cudurrada ka yimaada yaraantood.

anfaco

Qaabnax: Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural

Macnaha:

  1. eeg anfac (2).

cunto

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld cunno.

anficid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg anfac². ld anfac¹ (3).