aroor

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Waqtiga u dhexeeya marka waagu dillaaco ilaa marka qorraxdu soo baxdo. ld arooryo.
  2. 1. ld aroorid. Doonashada nafley oommani ay meel biyo ka doonato. 2.(-rro mdh.) Dhudhub yar oo biyo dhulka ka jeexeen. 3. Sheexo. 4. A. ah: xoolo ooman oo biya doonad ah.
  3. 1. Nafley biyo doonasho. 2. Nafley meel sare ka soo degid.

sheexo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Wax is haysta meel dhexe oo bannaan. 2. Jid yar oo laga samaysto madaxa bidix ama midig iyadoo timaha laba dhinac loo kala seexinayo. 3. Geeso xoolaad oo bidix iyo midig u kala jiifa.

arooryo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld aroo(ø)r.

aroorid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg aroor². ld aroor¹ (1).