ayaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Awood qarsoon oo qofka la socota dhalashada ilaa dhimashada qofka, sababna u noqota xumo iyo samo waxa uu la kulmayo; nasiib; hoodo.
  2. Dharaar iyo habeenkeed; maalin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

nasiib

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Hoodo; cawo; ayaan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

hoodo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Naasib.

Lamidka: Naasib

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

maalin

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Isrogrogga: (-lmo, m.l)

Macnaha:

  1. Muddada u dhaxaysa marka qorraxdu soo baxdo ilaa ay dhacdo (12 saac).
  2. eeg maali. ld maalis¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur