addin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-immo/-inno, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Afarta lugood ee xawayaanka middood. 2. ld addimid.
  2. 1. (xis.) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xis.) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xis.) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale.
  3. ld aadaan² (1).

addimid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg addin². ld addimaad, addin¹.