bakhayl

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. Nin aan hantidiisa dadka kale wax fiican siin; muudal; dhabcaal. ld bakhiil¹.
  2. ku b.: hanti bixinteeda ku gacan adkansho. ld bakhiil².

muudal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. Bakhayl; dhabcaal.

dhabcaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. Nin aan hantidiisa waxba ka bixinin; bakhayl, muudal.
  2. Naag aan hantideeda wax ka bixin. ld dhabcaalad.

bakhiil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld bakhayl¹.
  2. ld bakhayl².