baraas
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-ooyin, m.l)
Macnaha:
- (kiim.) Nooc kasta oo ka mid ah birdhafyada kubram-sink oo ilaa 50% tahay sink. Marka xaddiga sink la kordhiyaba, midabka birdhafku wuxuu iskula beddelaa sidan: dahabi-cas oo noqda dahabi; ilaa laga gaadho caddaan-qalimeed. Baraasyada si fudud ayaa loo sameeyaa, si wacanna way ugu adkaystaan daxalaysiga.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

