barkin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Qori si wanaagsan loo qorey, leh madax qaab bileed ah oo la barkado,lug, gacan gelis ama gacan qabsi ah iyo sal wareegsan, ballaaran oo uu ku fariisto. ld barshin.
  2. Kiish maro ah oo cudbi, isbuunyo iwm laga buuxiyo oo la barkado. ld barkimo.
  3. eeg barki.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

barshin

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. ld barkin¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

barkimo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld barkin².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

barki

Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2

Isrogrogga: (-iyay, -isay)

Macnaha:

  1. U b.: cid barkin dhabanka u dhigid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur