Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
1. Waqti aan xaddidnayn ee la soo dhaafay; waa; jeer; seben. 2.(-iyo m.dh) Dharaar iyo habeenkeeda. 3. B.ga: maanta.
Maalin bilaabasho, waagii baa bariyay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
Qaabnax: Qurub | Diirad, Particle | Focus
Macnaha:
Qurub lagu muujiyo waxa laga
sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa
yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee
dugsiga'.
1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.
1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli;
waqti; jeer; goor.
(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo
kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur